Garoon Cusub oo laga furay Deegaanka Heema oo hoos tagta Gaalkacyo

Diyaaradii Ugu horeysay oo lagu tijaabinayo Garoonka diyaaradeed oo cusub ayaa laga hirgaliyay deegaanka Heemo ee Gobalka Mudug.

Furitaankii Garoonkan waxaa ka soo qayb galay maamulka gobalka Mudug, kan  dagmada Galkacyo, nabadoono waxgarad cuqaal culuma udiin dhamaantood waxayna u riyaaqeen garoonkan cusub oo ku soo biiray garoomada Puntland.

Garoonkan cusub  waxaa hirgeliyey oo dhaqaala ku baxay fududeeyey  Sheikh Maxamed Sh. C/laahi Baardheere oo horay u rajeeyey Aabbihii Sh. C/laahi Baardheere in mar un Heemo yeelanayso garoon u gaar ah xiligaas oo ahayd sanadku ahaa 1994.

Garoonkan oo baaxad weyn waxay dowladda Puntland ogolatay in laga hirgeliyo ayna ka soo degto diyaaradii u horaysay oo tijaabo ah oo ay saarnaayeen wafdi wafdi Qaramada Midoobay.

Sheikh Maxamed C/laahi Baardheere oo hadal kooban furitaanka ka jeediyey ayaa Sheegay in u garoonkan diyaaradeed uu yahay garoonka ka dhaxeeya umada Soomaaliyeed kana mid yahay garoonada ay gacanta ku hayso Dowlada Puntland.

Dhina kale waxaa soo dhaweeyey wafuudii ka qayb galay furitaanka Garoonka oo iskugu jira maamulka Gobolka Mudug, kan Degmada, Culuma u diinka Heema, Wafdiga QM iyo Odayaal dhaqameedka.

Daawo Sawirada
974

975

976

977

978

979

980

981

982

983

Puntlandes.com

About The Author