Madaxweyne Dr Gaas oo Xirtay Siyaasi Cabdirashiid Cali Xaashi (Dhuubane)

Ciidamadamada madaxtooyada Puntland ayaa xalay Magaalada Garowe xabsiga u taxaabay Siyaasiga aadka looga yaqaan Puntland iyo somalia kaasoo horay usoo noqday Guddoomiyaha  Gobolka Mudug Cabdirashiid Cali Xaashi (Dhuubane). .

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Cali oo maanta ka hadlay xariga Siyaasi dhuubanae ayaa ku sheegay sababta loo xiran in ay tahay kadib markii uu shaaciyey hadallo xiisad siyaasadeed iyo ammaan darro abuuri kara, halisna ku ah jiritaanka Puntland waa sida uu hadalka u dhigaye.

Halkan ka dhagayso Gudoomiya Gobolka Nugaal o oka hadlay Xariga Siyaasi Dhuubane

 

Siyaasi Dhuubane ayaa shalay qabtay shiraa’id oo uu kaga hadlay xaaladda guud ee Puntland isagoo dhinaca kale dhaliilay siyaasada Qar iska xoorka ah ee Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo sida uu tilmaamay baal maray balan qaadyadii uu sameeyey xiligii uu murashaxa ahaa.

Dawladii isaga ka horaysay Gaas wuxuu oran jiray dadkay caburisaa hada waxa uu ku kacayo cid horay ugu kacday ma jirto haday noqon lahayd Wariyeyaasha oo la Caburiyo loona hanjabo qaarkoodna Xabsiyada lagu Guray iyo haday noqon lahayd Siyaasi la xiro Sida Siyaasi Dhuubane.

Waxaa iswaydiin mudan muxuu Gaas u Xiri waayey Siyaasi Maxamed Xaaji aadan iyo siyaasiyiin kale oo ka soo jeeda Beesha Ciise Maxamuud oo dhaliilo culculus u soo jeediyey Hogaankiisa mise Siyaasi Dhuubanaa u Jilicsanaaday oo iyaga madaxweyne Gaas waa uu ka baqay?

Halkan ka dhagayso shirkii Jaraaid ee Siyaasi Dhuubane

Puntlandes

About The Author