Sawirro: Wasiirka Shaqada & Arrimaha Bulshada DFS oo si diiran loogu soo dhaweeyey shalay Garowe & shir maanta ka furmaya halkaas

29 Nov 2017 (Puntlandes)Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada xukuumadda Federaalka Soomaaliya  Xildhibaan Saalax Axmed Jaamac  ayaa shalay si diiran loogu soo dhaweeyay Caasimada Dowlada Puntland ee Garowe, ka dib safar shaqo oo u halkaas ku gaaray.

Wasiirka Shaqada iyo  Shaqaalaha, Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Axmed  Cabdullaahi iyo Masuuliyiin ka tirsan Puntland  iyo Maamulka Gobolka Nugaal ayaa Wasiir Saalax iyo Wafdiga uu hoggaaminayay kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Konoco, wuxuuna soo dhaweyn ka dib  kormeer ku soo maray  Garoonka cusub ee loo dhisaayo Caasimada Garowe, waxuuna warfidiyeenka uu uga waramay ujeedada ay u yimaadeen Puntland shir maanta uga furmaya Dawlad Goboleedyada iyo DFS.

Wuxuu sheegay Wasiir Saalax Axmed jaamac inuu aad ugu farax sanyahay soo dhaweynta diiran ee loo sameeyay

“Aniga oo ku hadlaya magaca wafdiga iyo Wasiirada  kala duwan ee Shaqada iyo Shaqaalaha  Dawlad Goboleeyada, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada oo igu wehliya safarkan  waxaa raali  ka nahay sida aad inoogu soo dhaweyseen magaalada Garowe ee Caasimada Puntland”. Ayuu yiri Wasiir Saalax.

Dhinaca kale Wasiir Saalax ayaa sheegay in berito uu Garowe ka furmi doono (Shirka dib u Eegista iyo ka wadatashiga Sharciga  Shaqaalaha  Rayidka ee L11) oo ay soo diyaarisay  wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada dawladda Federaalaka Soomaaliyeed.
20

21

21a

22

23

24
Puntlandes.com

About The Author