Dhagayso: Puntland oo 2400 Asakri oo ka tirsanaa ciidanka daraawiishta ku wareejisay DFS

30 Nov 2017 (Puntlandes) Dowladda Puntland ayaa maanta dowladda federalka Soomaaliya ku wareejisay 2,400 askari oo ka tirsansaa ciidanka Daraawiishta Puntland, kuwaasoo hada wixii ka dambeeya ka mid ahaan doono CXDS.

8

Munaasabad ballaaran oo ka dhacday  xerada General Maxamed Dirir (Ex- 54-aad), ee magaalada Garowe ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxweyne kuxigeenka dawladda Puntland Enj C/xakiim Xaaji Cumar Camey, Wasiirul dawlada Gaashaandhiga dowladda federalka, taliyaha ciidamada difaaca Puntland, wasiirka amniga Puntland, saraakiil ka socota ciidanka milatariga Soomaaliya iyo guddiga difaaca ee barlamaanka.

Ciidankaan ayaa si r asmi ah uga mid noqon Doonaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS) Qaybtiisa 54aad, waxaana tilaabadaan ay qeyb ka tahay Qorshaha Iskudhafka Ciidamada Soomaaliya.

Dhagayso khudbadda Camey


Puntlandes.com

About The Author