Sawirro: Dhismaha wadada laamiga ah ee Eyl iyo Garowe oo la guda galay

02 Dec 2017 (Puntlandes) Dhismaha wadada laamiga ah ee isku xirta Eyl iyo Garowe oo ay dhisayso Shirkadda CCECC ayaa la shaaciyey xiliga ay bilaabanayso.

Shirkadda Dhisaysa wadada ayaa xarunteeda ka dhiganaysa deegaanka Qaraxis ee gobolka Nugaal. Taasoo shalay ay uu ka dhacay kulan arintaas looga hadlayey. Kullanka ayaa waxaa kasoo qayb Galay Sanatar C/raxmaan Faroole, Islaan Ciise iyo Suldaan Saciid Garaase iyo Ing Shirkadda ee Wadada dhisaya iyo Madax Shirkadda ka socatay.

Cuqaasha Deegaaka Qarxis iyo Qaybaha bulshada ayaa Cadeeyay inay Garab istaagayaan howlaha wadada oo la shaaciyey inay si rasmi ah u bilaaban doonto 3da Dec 2017ka.

Wadada Laamiga ah ee la dhisayo ayaa waxaa la qorsheeyey inay ka bilaabato Dangorayo ilaa Eyl.

Daawo sawirrada
11

12

13

Puntlandes.com

About The Author