Sawirro: Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga oo xilka la wareegayo maanta

02 Dec 2017 (Puntlandes) Munaasabadan uu xilka kula wareegayay Wasiirka Cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa ka socota xarunta Wasaaradda Gaashaandhigga ee magaalada Muqdisho.

Waxaa ka qeybgalay xafladda Wasiirka guddiga Difaaca ee Baarlamaanka Soomaaliya Wasiiro xildhibaano,Taliyaha ciidanka Xooga Dalka,saraakiil, Ergayga Xoghaya guud Michael Keating, Danjiraha Turkiga ee Soomaaliya,iyo diblomaasiyiin kale.

Waxaa munaasabadaasi suugaan ka tarjumaysa gubaabada ciidamada iyo ahmiyadda difaaca dalka ka soo bandhigay koxda Horseed ee Ciidanka Xoogga Dalka.

Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo dhawaan la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay in uu qorsheynayo xoojinta tayaynta iyo dhismaha ciidanka Xoogga Dalka,maadaama ay muhiim ay u yihiin difaaca Dalka.

Dhawaan ayaa ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre wuxuu u magacaabay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan in uunoqdo Wasiirka Gaashaandhiga wuxuuna bedelay C/rashiid C/llaahi Maxamed oo dhawaan xilkaasi iska casilay.

Daawo sawirrada
16

16a

16a1
Puntlandes.com

About The Author