Dhagayso: Qurba joog cambaareysay xariga Siyaasiga caanka ah Dhuubane

986

Xakuumada Dr Cabdiwali Gaas, ayaa xabsiga dhigtay laba habeen ka hor  Magaalada Garowe  Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Cabdirashiid Cali Xaashi oo ku magac dheer Dhuubane,ka dib markii uu qabtay saacado ka hor shir jaraa,iid oo uu ku dhaliilayo hanaanka maamulka uu hogaaminayo Madaxweyne Gaas.

Radio Umada ayaa qabtay Barnaamij  lagu falanqeynayo aragtida ay ka qabaan xubno ka mid ah qurbo joogta Puntland ee ku nool Yurub iyo America.

Waxaana ka qayb qaadanaya barnaamijka xubno ay ka mid yihiin Sacdiyo Salaad Samatar oo joogta Mareykanka,  Ciiro Axmed Xasan (Dr Ligle) oo ku nool dalka Norway  iyo Dr. Saciid Maxamuud Samatar ( Saciid Gabaryare) oo ah mareeyihii horre ee warshadii sonkorta Jowhar ahna Aqoonyahan ku nool Mareykanka.

Barnaamijkan waxaa idiin soo saaray Cabdiqani Cali Dalmar:

Puntlandes.com

About The Author