Sheekh Nuur Baaruud oo RW Khayre hortiisa ku baaqay in la Ceejiyo Xildhibaano uu sheegay inay Moodshin wadaan

03 Dec 2017 (Puntlandes) Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo ka mida Guddiyo kal aduwan oo dowladda magacawday ayaa mar kale weerar afka ah ku qaaday Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka JFS, isagoo ku baaqay in la ceejiyo Xildhibaano uu ku sheegay inay Mooshin wadaan.

18

Sheekha ayaa hadalkan ka yiri munaasanad uu Ra’iisul wasaarada Xukuumada kusoo bandhigayey waxqabadkiisa mudadii 8da bilood ahayd ee ay Xukuumadiisu jirtay, isagoo RW Khayre u sacbiyey markuu hadalkaas yiri.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan ayaa ku dooday inay jiraan Xildhibaano laaluush ku qaatay inay khal khal geliyaan amniga iyo horumarka ka jira dalka.

Sheekh Nuur Baaruud ayaa yiri “Dadka la leeyahay mooshin bey wadaan, dadkaas dareen ma leeyihiin, Soomaali ma yihiin, waxaa si dhib yar loo leeyahay meel hebel ayay lacag ka soo qaateen, wey soo socdaan, mooshin bey sameynayaa, 4 nin iyo shan nin miyaa nolol noo diidan ma intaasaa iska dhici karin, inta aan u tagno maan garaacno”

Sheekh Nuur Baaruud oo sii hadlayay ayaa yiri “Baarlamaanka waxaa la yiraahdaa waa wakiiladii shacabka, ma inaggaa raalli uga nahay inay lugaha na hayaan, ayaantii dhoweyd, markii aan School Polizio ka hadlayay waxay dhaheen dhiiggeena ayaa xalaaleysay, aniga hala laayo ma dhihin, ee waxaa dhahay hala garaaco, hada waxaa leeyahay halaga matajiyo lacagta laaluushka ay nabadgelyada qalqal ku gelinayaan.

Waxaa uu sheegay in la bartay marka mooshin la keeni in lacago lagu kala fur furo, waxaana uu ugu baaqay Madaxweynaha in aanay shilin lacag ku bixin, isla markaana difaaca mooshinka ay ku filan yihiin shacabka.

Puntlandes.com

About The Author