Galmudug & Ahlusuna Oo Heshiis Hordhac ah Ku Kala Saxiixday Magaalada Jabuuti

03 Dec 2017 (Puntlandes) Dalka Jabuuti ayaa waxaa heshiis horudhac ah ku gaaray madaxweyanaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo madaxweynaha maamulka Ahlusunna ee Gobolada Sheekh Maxamed Shaakir

28

Waxaa saxiixa heshiiskan goobjoog ka ahaa Xubno ka socday Ahlusuna, Galmudug, dowladda Federaalka iyo IGAD.

Ahlusuna iyo Galmudug ayaa isu soo dhowaansho ka muujiyay khilaafaad horay u ragaadiyay labada dhinac, waxaana haatan isku raaceen inay ku midoobaan maamul mid ah.

Heshiiska rasmiga ah oo lagu soo bandhigayo qodobada heshiiska ayaa lagu wadaa in lagu saxiio magaalada Muqdisho.

Puntlandes.com

About The Author