Sawirro: Wasaarada Deegaanka Puntland iyo hay’adda ARC oo biyo Xireen cusub ka dhagax dhigay Deegaanka Falar-yaale ee gobolka Sool.

03 Dec 2017 (Puntlandes)Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL oo kaa shanaysa Hay’adda ARC International ayaa biyo xireen cusub  ka dhagax dhigtay Deegaanka Falaryaale oo katirsan  Gobolka Sool, biyo xireenkan ayaa ah mid  casri ah islamarkaasna la jaanqaadaya kawa laga dhiso dunida horumartay waxaana ay tani qayb ka tahay Siyaasada wasaarada Deegaanka Puntland ee ku aadan ka faa’iidaysiga biyaha roobka iyo la dagaalanka Biyo-yarida.

Biyo xireenkan laga dhagax dhigay Deegaanka Falaryaale ayaa ah kii ugu horeeyey oo laga samaynayo deegaankaas iyadoo bulshada deegaankaasu ay dhib wayn ku qabeen biyo Yarida, waxaana la rajaynayaa in biyo xireeenkan cusub uu qabto in kabadan 10 Milyan oo Litir oo biyo ah halkii waqti-roobaadba taas oo ka dhigaysa inay ka faa’iidaysan karaan Boqol Qoys.

Eng, Cabdiweli Yussuf Aden oo ah Injineerka wasaarada Deegaanka oo ka hadlay biyo xireenka laga dhisayo deegaanka Falaryaale ayaa  biyo Xireenka Falar-yaale ka koobnaan doono qaybo kaladuwan islamarkaasna loo qoodi doono Hoos loona balaarin doono dhinacyada iyadoo Bac lagu xiriri doono, Sidoo kale Injineerku wuxuu sheegey in Biyo Xireenadka lagu wareejin doono Silig si loo ilaaliyo nadaafada Biyaha iyo Haamo biyaha Kaydiya.

Saalax Cabdirashiid Maxamed oo madax ka ah hay’adda ARC International qaybteeda Puntland ayaa sheegey in ay wasaarada Deegaanka iyo Hay’adiisu mudo ku mashquulsanaayeen sidii Biyo Xireen loogu samayn lahaa deegaanka Falaryaale isagoo sheegey in mashaariic kale ay ka fulin doonaan deegaanka.

Gudoomiyaha gobolka Sool ee DPL iyo bulshada deegaanka Falar-yaale oo Iyana kaqaybgalay dhagax dhiga biyo xireenkan ayaa sheegey inay ku faraxsanyihiin shaqada laga qabanayo deegaankooda waxaana ay hay’adaha kale ee dawlada iyo kuwa caalamiga ahba u sheegeen in deegaanaada gobolka Sool lagu soo dhawaynayo islamarkaasna ay waxqabad kan lamid ah ka rajaynayaan.

20

21

22

23

24

25

26
Puntlandes.com

About The Author