Dhagayso: Siyaasi Siciid Diiriye oo sheegay in loo baahan yahay in gacan bir lagu qabto Qaswadayaasha isku dayaya inay hor istaagaan Horumarka Bosaso

05 Dec 2017 (Puntlandes) Siyaasi Siciid Diiriye oo horay usoo noqday Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanaka dawladda Puntland oo waraysi kulul oo xasaasi ah siiyay Radio Daljir ayaa  sheegay in loo baahan yahay in gacan bir lagu qabto Qaswadayaasha isku dayaya inay hor istaagaan Horumarka Bosaso.
32

Xildhibaan Siciid ayaa yri “dadka degen  Bosaso oo 1.5 miljan waa dad dad nasiib badan waana  dad nasiib daran, waa nasiib daranyihiinoo  wax kasta oo xun oo la samysanayo waxna ka dhihi mayaan oo way iska fiirsanayaan, waa nasiib badan yihiinoo waxa soo raadsatay Mashaariicdii Puntland heshay oo dhan ama Airoport ha ahaadeen, ama Deked ha ahaadeen ama wax kastaba ha ahaadeen, ama Wado ha ahaadeen meeshii ugu nasiib badnayd oo heshay bay noqotay”

Siciid Diiriye ayaa kusii daray “..Nasiib wanaag hada waxa loo keenay 336milyan dhaqaale gaaraya oo la yiri ha lagu dhiso Deked, laakiin Dekedda dhismaheeda waxa ka horeeya  magaalada maalgelinta ay ka helayso  ama Dhagax ha ahaato ama Shidaal ha ahaato ama Shamiito ha ahaato ama Shaqaale ha ahaato ama wax kasta ha noqoto ama Guri la seexda ha noqoto ama Gadiid la ijaarto ha noqoto, 336 milyan Bosaso marka ay ugu yaraato inta ay le’egtahay in le’eg baa ku darmanaysa ma ay fahmin marka mana ay xoifdiyid inay ilaashadaan waxa Ilaahay lasoo doontay…dembiga koowaad dadka shacbiga ah ayaa leh”

Siciid Diiriye ayaa shacabka Bosaso ugu baaqay inay ilaashadaan Horumarkooda iskana qabtaan Qaswadayaasha doonaya inay is hortaagaan horumarka Bosaso.

Ugu danbayntiina Siciid Diiriye wuxuu ugu baaqay Wasaarada Gaadiidka iyo maamulka Gobolka inay gacan adag ku qabtaan Qaswadayaasha dhibka abuuraya, Doontii diida inay dejiso Badeecadda saarana ay aado meeshii kale oo aan Bosaso ahayn laga kaxeeyo Dekedda agagaarkeeda loona diido laakiin ay xor u yihiin dekeddii ay doonaan inay la adaan.

Dhagayso Xildhibaan Siciid Diiriye


Puntlandes.com

About The Author