Isku aadka Tartanka Ciyaaraha Maamul goboleedyada Soomaaliya oo la sameeyay

05 Dec 2017 (Puntlandes) Waxaa maanta lagu sameeyay magaalada Muqdisho isku aadka Tartanka Ciyaaraha Maamul goboleedyada oo sanadkii labaad la qabanayo.

28e

Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo qaban qaabisay Tartankan, iyadoo dib u dejin u sameysay Ciyaartoyda ka yimid maamul goboleedyada.

Ciyaartoyda Maamul goboleedyada ka socda ayaa soo wada gaaray magaalada Muqdisho, waxaana la dejiyo qaar ka mid ah Hotelada.

Koobka ayaa waxaa heysta oo difaacanaya xulka kubadda Cagta Puntland oo sanadkii hore qaaday tartankan.

Hadaba waxaa ay xulalka ciyaartoyda maamul goboleedyada isugu aadeen sidan:

Group A

  • Gobolka Banaadir
  • Galmudug
  • Jubbaland

Group B

  1. Puntland
  2. Hirshabeelle
  3. Koofur Galbeed

Ciyaarta ugu horeysay ee furitaanka Tartanka ayaa dhici doona maalinta Jimcaha, waxaana lagu furi doonaa Banaadir iyo Jubbaland.

Puntlandes.com

About The Author