Taliyihi Saldhigga Cusub ee suuqa waqooyiga Gaalkacyo oo ku dhintay qarax gaarigiisa loogu xiray

06 Dec 2017 (Puntlandes) Taliyihi Saldhigga Cusub ee suuqa  waqooyiga Gaalkacyo Cali Ibraahim Cali(Cali Ma’gafe) ayaa ku dhintay qarax gaarigiisa loogu xiray,sida ay xaqiijiyeen goobjoogayaal.

38

Qaraxa ayaa sarkaalka ku qabsaday bartamaha magaalada Gaalkacyo,gaar ahaan dhabarka dambe ee xarunta madaxtooyada. Taliyaha oo dhaawac culus ka soo gaaray qaraxaas ayaa durbadiiba geeriyooda,waxaana burburay gaarigii uu saarnaa,inkastoo aan weli la sheegin cid kale oo dhibaato ka soo gaartay qaraxa.

Ma jirto cid sheegatay qaraxa,laakiin sarkaal ka tirsan Booliska ayaa  sheegay  in ay baaritaan ku hayaan,islamarkaana ay dib ka faahfaahin doonaan xogta rasmiga ah.

Puntlandes.com

About The Author