Sawirro: Qaar ka mida Isimada Puntland oo go’aano kasoo saaray muranka Dekedda Bosaso

06 Dec 2017 (Puntlandes) Shir Isimada Puntland ay ku qabteen Hotel Gacayte ee Boosaaso ayaa lagu soo bandhigay Go’aanno ay sheegeen in isimadu ka gaareen shir maalmihii u dambeeyey u soconayey

-In laga wada shaqeeyo Nabadgelyada

-Dawladdu inay soo bandhigto Hashiiska Balaarinta Dekedda Boosaaso

-In la taageero Mashaariicda Horumarineed

-In tariifada ay soo saareen Isimada ee ku meel gaarka ah lagu dhaqmo

Warar horu-dhac ah oo aan helnay ayaa sheegaya in Ganacsatadu ay ogolaadeen Khimadaha ay dawladu kordhisay, hasa yeeshe waxaa qodobada heshiiska ka mid ah innaan dib loo kordhin karin sida uu xogta ku helayo Puntland Post Xafiiskiisa Bosaso.

Kullanka ay isimadu kaga dhawaaqeen go’aanadaan waxaa goob joog ahaa Ganacsato, xubno xukuumadda Puntland katirsan , waxgarad, haween iyo dadweyne kale.

Daawo sawirrada
36

37

37a

37b

37c

37e
Puntlandes.com

About The Author