Akhriso Qodobada ay ku heshiiyeen Galmudug iyo Ahlusunna (Sawirro)

06 Dec 2017 (Puntlandes) Munaasabadda dhameytirka saxiixa Heshiiskii ay isku afgarteen Galmudug iyo Ahlusunna Waljamaaca, ayaa lagu qabtay Xarunta Madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya, iyaddoo ay goob joog ka yihiin Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Wasiirka arrimaha Gudaha ee Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Cabdi Faarax Juxa oo hishiiska ay gaaren labada dhinac qeyb ka saxiixay iyo mas’uuliyiin kale.

Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya Eng, Cabdiraxmaan Cumar Yariisoow, ayaa sheegay in hishiiska ay wada gaareen Galmudug iyo Ahlusunna uu ku qoran yahay in Sheekh Maxamed Shaakir uu noqonayo Wasiirka koowaad ee Galmudug, islamarkaana uu shir guddoomin doonno shirka Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug.

“Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle (Xaaf) iyo Maxamed Cabdi Shaakir, ayaa heshiiska wada saxiixday, iyadoo Wasiirka Arrimaha Gudaha uu la saxiixay, Heshiiska waxaa ku qoran in Shaakir uu noqonayo Wasiirka koowaad ee Galmudug oo uu shir guddoominayo Golaha Wasiirada Galmudug” ayuu yiri Wasiir Yariisow.

Hoose ka Akhriso qodobada lagu heshiiyay
39

39a

39a1

39a2

39a3

39a4

39a5
Puntlandes.com

About The Author