Xildhibaano Ka Horyimi Heshiiskii Dhexmaray Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna

07 Dec 2017 (Puntlandes) Xildhibaanno ka mid ah Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa ka hor yimid heshiiska Ahlu Sunna iyo Galmudug ku kala saxiixdeen Magaalada Muqdisho.

 41

Heshiiskaas ayaa dhiagayay in Madaxweynaha Ahlu Sunna laga dhigayo madaxa golaha wasiirrada ee Galmudug,sidoo kalena Ahlu Sunna soo magacaabaneyso Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee Galmudug,iyada oo calanka iyo magaca Galmudugna ay sidiisa ahaanayaan.

Xildhibaannada Galmudug ee ku shiray Muqdisho ayaa sheegay in heshiiskaas uu yahay xaaraan sidoo kalena uusan ahayn mid u adeegaya danaha Maamulka Galmudug.

Xildhibaannada ayaa sheegay in Galmudug lagu dhisay lacagta 11 Qabiil oo Galmudug degta islamarkaana aysan hadda waxba ka beddeli karin 4 Qof oo ay sheegeen in ay ku shereen Magaalada Muqdisho.

Xildhibaannada ayaa ku doodaya in aan iyaga lagala tashan,sidoo kalena Golaha wasiirrada Galmudug aan la marsiin,sidaas darteedna aysan sharci ahayn waxa lagu sameeyay Madaxtooyada Soomaaliya.

Puntlandes.com

About The Author