Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay hannaanka dib u eegista dastuurka

07 Dec 2017 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyaradda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa Shir guddoomiyay kulan looga hadlayay hannaanka dib u eegista dastuurka oo xalay lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.
Kulanka waxaana  ka qeybgalay guddoonka Labada aqal ee Barlamaanka, Ra’iisul Wasaaraha X.F.S. Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada, Guddiga Madaxa Bannaan ee Dastuurka iyo guddiyada kormeerka arrimaha dastuurka ee labada aqal.
Shirkan ayaa ujeedkiisu ahaa in ay isku bartaan guddiyada arrimaha dastuurka ee Heer Federal iyo Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada.
Dib u eegista dastuurka ayaa ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee horyaalla dowladda Soomaaliya, iyada oo ay xukuumaddu u qoondeysay miisaaniyad Lagu dhameystiro howlaha Dastuurka.
Daawo sawirrada
41a41a141a2

41a3

41a4
Puntlandes.com

About The Author