Akhriso Gudoomiyaha Aqalka Sare oo ka horyimi Shir uu Gudoomiyaha Shacabka qaban qaabinayo

14  Dec 2017 (Puntlandes) Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi xaashi Cabdullaahi ayaa si kulul u cambaareeyay, isla markaana dalbaday in la joojiyo shir uu qabanqaabinayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Prof. Maxamed Sheekh Cismaan (Jawaari) oo lagu wado inuu ka dhaco magaalada Baydhaba.

43b3

Warqad qoraal ah uu Guddoomiyaha Aqalka sare uu u kala diray Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada, Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada, laguna ogeysiiyay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa lagu dalbaday in la joojiyo shirka lagu qaban doono magaalada Baydhabo, kaasoo lagu tilmaamay mid lagu bur burinayo laguna kala dhantaalayo nidaamka federaalka.

Waxaa la faray Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada in aanay ka qeyb gelin shirka ka dhici doona magaalada Baydhabo

Qoraalka oo ahaa mid kulul ayaa lagu sheegay in Golaha shacabka uu u shaqeynayo sidii Baarlamaankii 9aad, xilligaasoo aanu dhisneyn Golaha Aqalka sare, sidaas darteed waxaa lagu wargeliyay Aqalka sare inuu u xil saaran yahay matalaada dowlad goboleedyada, ahna gole ilaaliya ku dhaqanka iyo xoojinta nidaamka federaalka

Ugu dambeyn waxaa Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo lagu wargeliyay inuu si dhow ula socdo wadashaqeynta Labada Gole oo lagu xusay inuu mugdi ku dhex jiro, tan iyo markii la aas aasay Aqalka Sare.

Hoos ka akhriso Warqada uu qoray Guddoomiyaha Aqalka sare

43b

43b1

Puntlandes.com

 

About The Author