Maraykanka oo sheegay in uu joojiyay Saadkii ay siin jirayn Milatariga Somaliya

15 Dec 2017 (Puntlandes) Sida lagu qoray wakaaladda wararka Reuters dawlada Maraykanka ayaa joojisay taageeradda dhanka saadka ah ee uu siin jiray ciidamada Militryga Soomaaliya kadib markii ay soo baxday wax isdabarin lagu eedeeyay saraakiisha ciidanka.

9

Wakaaladda wararka Reuters oo soo xiganaysa xubno ka tirsan waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka waxay sheegaysaa in xukuumadda Washington ay hakad galisay taageeradda dhanka saadka ah ee ay ku bixin jireen militryga Soomaaliya.

Taageeradaas oo iskugu jirta shidaalka iyo cunnada ayaa laga joojinayaa ciidamada sababtuna waxay tahay in guddiga u xilsaaran saadka ciidanka Soomaaliya ay diideen inay hor yimaadaan guddiga ka socday Maraykanka iyo dawlada Federalka oo doonayay inay su’aalo ka weydiinayaan sida uu ku baxay saadkii ciidanka loogu talo galay.

“Waxaan go’aan ku gaarnay inaa hakad galino dhamaan taageeraddii dhanka saadka ahaa ee aan ku bixin jirnay raashinka iyo shidaalka ciidamada militryga Soomaaliya ku baxa” ayaa lagu yiri warka ay daabacday wakaaladda Reuters ee ay kasoo xigatay saraakiisha waaxda arrimaha dibbadda Maraykanka.

Go’aankaan waxaa uu soo baxay kadib markii saraakiil aan magacyadooda la shaacin oo militryga Soomaaliya ka tirsan ay ku guul daraysteen inay hor tagaan guddi su’aalo weydiin lahaa oo ka socday dawlada Soomaaliya iyo dawlada Maraykanka.

Waaxda arrimaha dibbada Maraykanka waxay aaminsantahay in si sax aheyn loo maamulay saadka loogu talo galay ciidamada xooga Soomaaliya

Warkaan waxaa sidoo kale lagu sheegay in Maraykanku uu sii wadi doono taageeradda uu siiyo ciidamada gaarka ah ee hawlgalada gaarka ah fuliya dawlada Soomaaliyana kala shaqaynayo in la helo sugnaanta halka uu maro taageerada ciidanka loogu talo galay ayadoo malaayiin dollar lagu bixiyo taageeradda dhanka saadka ah ee ciidanka xooga.

Intii u dhaxaysay bilihii May iyo June guddi isku dhaf ahaa ayaa booqday illaa 9 xero oo ay degenyihiin ciidamada xooga waxaana la ogaaday inay helin wax raashin ah xeryahaasna waxaa ku jiraa illaa 5 kun oo askari.

Xeryaha qaar warbixinta waxaa lagu sheegay in askarta badankood ay iyagoo diwaan gashan haddana xeryaha joogin oo ay saraakiil gaar ah ilaalo u yihiin.

Xeryaha qaarna askar aan hub heysan ayaa jooga sida warbixintaan lagu xusay.

Sidoo kale Maraykanku waxaa uu sheegay inuu joojin doono lacag dhan 100 Dollar oo askarta la siin jiraytaasoo qeyb ka ah qorshaha taageeradda ciidanka xooga Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya Max’ed Mursal ayay Reuters kasoo xigatay inuu qirsanyahay inuu jiro walaac laga qabo halka uu maro taageeradda ciidamada miltryga lagu bixiyo iyo sida loo maamulo.

Wasiirku waxaa uu sheegay inay hadda wadaan qorshe Q,M kala shaqaynayso oo ciidamada xooga lagu diwaan galinayo taasoo ugu dambeyn askari waliba uu mushaarkiisa ku helayo hanaanka koontooyinka bangiyadda.

Maraykanku waxaa uu sheegay in ciidanka Soomaaliya uu ku bixiyay lacag dhan 66 billion oo dollar Todobadii sanno ee lasoo dhaafay hase ahaatee ay ogaadeen in lacagtaas ay ku bixin askartii loogu talo galay ee furimaha jooga.

Taageeradda Maraykanku ka joojiyay ciidanka Xooga Soomaaliya waxay imaanaysaa ayadoo midawga Africa uu la baxayo ciidamadiisa Soomaaliya ka jooga ee magaca AMISOM ku jooga kuwaasoo dawlada Soomaaliya ka caawiya dagaalka ay Al Shabab kula jiraan.

Puntlandes.com

About The Author