Puntland oo usoo gudubtay Samifinalka kadib markii ay Koofur-Galbeed bar-baro la gashay

15 Dec 2017 (Puntlandes) Ciyaal kulul oo dhex martay xulalka kubbadda cagta ee Puntland iyo Koofur-Galbeed ayaa ku dhamaatay bar-baro 1-1 ah, waxaayna  labada Kooxood u soo baxeen wareega 2-aad ee tartanka dowlad goboleedyada dalka iyo Gobolka Banadir.

41b6

Waxaa goolka ku hormray xulka Koofur-Galbeed, iyadoo qeybtii hore ay ku soo dhammaatay 1-0. oo ay ku hogaaminaysay xulka Koofur Galbeed-Soomaaliya

Ciyaartan ayaa ahayd mid aad u xiiso badan, waxaana ka so qeyb galay taageerayaal badan.

Markii la isku soo laabtay cyaarta qeybtii dambe ayaa dadaal ay sameeyeen xulka Puntland waxaa u suurta gashay in ay goolka bar-bar dhaca ah dhaliyaan.

Natiijada ciyaartan ayaa ka dhgaysa xulka Hirshabelle in uu noqdo xulkii ugu horeeyay ee tartankan ka hara, kadib markii labadii kulan ee ay hore u ciyaareen ay ka urursadeen hal dhibic oo qura.

Xulka Puntland ayaa waxaa kulanka Semifinalka ah ay isku soo beegmeen xulka gobolka Banaadir halka xulka Koofurgalbeed uu la ciyaari doono xulkii soo badiya Galmudug iyo Jubaland.

Puntlandes.com

About The Author