Dhageyso:Barlamaanka dowladda Puntland oo kala Xisaabtamaya madaxweyne Dhulka la hayso

Garoowe; Barlamaanka dowlada Puntland oo maanta dood culus ka yeeshay sidii loo xorayn lahaa dhulka ka maqan gacanta dowladda Puntland ayaa soo saaray go’aano ka kooban sadex qodob oo lagu wajahayo qaabkii loo soo celin lahaa dhulka maqan ee gacanta ugu jira Soomaaliland.

 

Ka dib dood ayuu barlamaanku ku meel mariyay cod gacan taag ah. Waxaana madasha ka aqriyay xoghayaha barlamaanka Puntland Cali Axmed Dhahar.

Hoos ka akhri qodobada uu Baarlamaanku meelmariyey maanta

1: In la taageero guddiyada xukuumadu u magacowday soo celinta dhulka maqan.

2:In la sameeyo guddiyo barlamaanka katirsan oo keena tallooyin ku saabsan sida loosoo celin karo dhulka maqan.

3: In loo yeero madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka si wax looga weydiiyo balanqaadyadoodii ahaa xoraynta gobolada maqan.

Barlamaanka dowlada Puntland ayaa go’aamiyey in ay yeeraan kalana Xisaabtamaan madaxweyne Dr Gaas. madaxweynaha ayaa Balanqaadiisii lagu doortay waxaa ka mid ahaa in uu dib u soo Celinaya dhulka ka maqan Puntland

Halkaan ka dhageyso codka xoghayaha.


Puntlandes.com

About The Author