Dhuubane waxa loo xiray Easy Target ” Ismaaciil Diiriye

Ismaaciil Aadan Diiriye Agaasimihii horre Hay,adda Daryeelka Bulshada Puntland ayaa si kulul u cambaareeyey xariga ay u gaysatay maalmo ka hor dowlada Puntland Ex Gudoomiye Gobolka Mudug Cabdirashiid Cali Xaashi Dhuubane,” Waan garan karaa waxa Gaas uu u xirtay Dhuubane wax kale maahee waxa uu u arkay ina adeerkiis aan cidina uga daba imanayn “easy target”

Ismaaciil Aadan Diiriye oo soo dhigay barta uu ku leeyahay xiriirka bulshada ee Facebook qoraal dheer oo uu ku sheegayo inuu sharci daro yahay xariga Siyaasi Dhuubane waxa uu yiri ” Waa wax aad looga yaqyaqsoodo in Mr Gaas oo sharaf xukunka kula wareegay , lana wareegay meel xor ah, isagoo siduu doono wax u eedayn jiray waayihiisi horre, islamarkaana markuu doono aflagaadayn jiray Madaxdii xukunka ku wareejisay inuu maanta ka dhigo Puntland meel uu si sharci darro ugu amar taagleeyo, waxaa kaloo aad loola yaabaa hadalkii gudoomiyaha Nugaal ee ahaa “Puntland diinbaa lagu xukumaa madaxda laguma aflagaadayn karo gobolka Nugaal” waayaabe gudoomiyaha goormuu noqday qaadi shareecada xukuma, masse kale yaqaan aflagaado iyo eedayn “

Ismaaciil Aadan Diiriye oo difaacaya in uusan gaf geysan Mr Dhuubane waxa uu yiri ” Waxay noqotaba ma aflagaadoon Dhuubane ee waxa uu yiri “Gaas qurba-joog reerkiisa ee Cumar Maxamuud buu meel walba u dhiibtay” taasi hadii ay jirto ama jirinba ma aha arin aan doonayo inaan ka hadlo laakiin hadalkan waa dhaleecayn iyo eedayn ma aha aflagaado hadiise aflagaado cid lagu xukumayo ha la xukumo Gaas.

Waxa uu sheegey Ismaaciil qaabka uu ku salaysan yahay xariga Dhuubane inuu yahay mid muujinaya markii ugu horeysay taariikhda noociisa oo aanan horey loo arkin “Arrintan waa arin ku cusub Puntland, horey uma dhicin Madaxweyne la eedeeyey oo dadkii eedeeyey lasoo xirto, waan garan karaa waxa Gaas uu u xirtay Dhuubane wax kale maahee waxa uu u arkay ina adeerkiis aan cidina uga daba imanayn “easy target”

Waxa uu tusaale usoo qaatay Ismaaciil Siyaasiin  horey eedeymo ugu soo jeediyey Madaxweyne Gaas, wuxuuna yiri ” DR Gaas waxa Garoowe la jooga tan iyo intii la doortay siyaasiyiin wax badan eedeeyey, laakiin waxa ikhyaarkan loo xiray waa digniin loo dirayo siyaasiyiintaas, hadii tan laga aamuso berri ha sugi waayin inay imaan doonto wax kasii liita tan “.

Waxayna kusoo beegmaysaa cambaareynta uu u jeediyay Ismaaciil Aadan Diiriye xariga loo geystay Cabdirashiid Dhuubane xilli uu dib u helay xoriyadiisa , ka dib markii qaab damaanad ah kaga soo daayeen saldhiga dhexe ee Garowe odoyaal
992

WQ Ismail Adam Dirie.

Xigasho:- https://www.facebook.com/ismail.dirie.3

Editorail Office

Puntlandfes.com

info@puntlandes.com

 

About The Author