Siyasiyiin Cumar Maxamuud ah oo ka wada hadlay waxa Puntland socda

Waxaa shir ay uga arinsanayaan waxyaalaha Puntland ku soo kordhay isugu yimid Siyaasayiin iyo Waxgarad ka soo jeeda Beesha Cumar Maxamuud. Arimihii ay ka hadleena waxaa ugu waawaynaa afartan Qodob ee hoos ku qoran iyo Baaq:

  1. Xarigii indho’aanta ahaa ee loo gaystay Gudoomiyihii hore ee Gobolka Mudug Dhuubane
  2. Dilkii loogu gaystay Airporka Gaalkacyo nimankii madaxda ahaa e eka socday UN ka
  3. Dilkii loo gaystay Inj Garowe lagu dilay
  4. Caburinta saxaafada iyo Xoratu Qawlka

 

Labada qodob oo waawayn oo dilka ah kana dhacay Puntland intii uu Xukunka la wareegay madaxweyne Dr Daas aan iswaydiinee dadkii kiisaskaas galay oo aan qofna laga xirin dadkaas oo dhamaantood la yaqaan, maxay tahay sababta loo xiray Dhuubane? Ma Xabsi buu mutaystay qofkii sheegaa dhaliilaha jiraa?

Baaq

Shacabka reer Puntland dhiig badan ayey ku bixiyeen helida Xoratu Qawlka ma ahan waxay aqbalayaan in ay Xukuumada Dr Gaas tieaahdo ha hadlina, ha maqlina iyo ha arkina.

Waxaan ugu Baaqaynaa in dawlada Puntland ee madaxweynaha ka yahay Dr Gaas in ay ka waantoowtowdo falalkan lidka ku sharafta iyo midnimada Puntland.

Scabaka reer Puntlandna waxaan ugu baaqaynaa in ay nabadooda iyo Midnimadooda ilaashadaan.

 

Daabacaada: Puntlandes.com

About The Author