Sawirro: Ciyaartoyda Xulka Kubada Cagta Jubbaland oo lagu soo dhaweeyay Kismaayo

25  Dec  2017 (Puntlandes) Ciyaartoyda xulka kubada cagta Jubbaland ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Kismaayo ee xarunta MKG ah Jubaland, iyagoo wata koobkii Kubada cagta ee Dowlad Gobaleedyada iyo Banaadir kaasoo ciyaarta Finalka ay kaga guuleysteen Xulka kubada cagta Puntland.

Madaxda Dowlad Gobaleedka Jubbaland uu ugu horeeyo Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo ayaa damaashaad iyo farxad kusoo dhaweeyay ciyaartoyda Xulka kubada cagta Jubbaland.

Masuuliyiinta Jubbaland ayaa si weyn u bogaadiyay guusha ay lasoo laabteen ciyaartoyda Jubbaland, waxaana magaalada oo dhan ka soconaya damaashaad xoogan oo ciyaartoyda lagu soo dhaweynayo.

Xidigaha xulka Jubbaland ayaa intii uu socday tartanka kubada cagta Dowlad Gobaleedyada waxay soo bandhigeen ciyaaro aad u wanaagsan oo loo riyaaqay.

1

2

3

4

5

6

7

8

9

10

11

12

13

14

15

12
Puntlandes.com

About The Author