DAAWO SAWIRO: Imaam Cabdiwahaab Maxamuud Gurey oo Mudug lugu caleema saaray iyo Gaas oo lacag farabadan ku Baxshay

Gaalkacyo (Pes) Gobolka Mudug waxaa lugu caleema saaray Imaam, Cabdiwahaab Maxamuud Gurey oo ka mid noqanaya isimmada Beesha Cumar Maxamuud wuxuuna noqonayaa kii shanaad oo ay yeelato Beeshaas.

Caleema saarka ayaa u dhacay si ballaaran,waxaana ka soo qayb-galay Isimo iyo m´Madax farabadan oo uu madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas u soo diray sida Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, wasiiro, Xildhibaano, Agaasimayaasha awooda ku leh xafiiska Gaas iyo madax kale oo farabadan.

Dowladda Puntlad oo ay Ciidamadeedii ka cabanayaan ayaa waxay Caado ka dhigatay in ay u Isticmaasjho lacagtii Ummadda ka dhaxaysay dano Raqiis ah iyadoo hada ka hor uu madaxweyne Gaas ´dhaqaale aad u farobadan ku bixiyey Caleemasaarkii dhoolatuska ahaa e eka dhacay Qardho.

Madaxweyne Gaas ayaa Caleemasaarkana ku bixiyey dhaqaale aad u farabadan isagoo ku kala jabinaya Beesha walaalaha ah ee Cumar Maxamuud isagoo u isticmaalaya in uu qaarna taageero Qaarna cadow uga dhigo kuwaas uu taageeray.

Soomaalida ayaa waxay tiraahdaa tiisa daryeelaa tukale ku dara, Qofka mas’aalka ah waa in uu gurigiisa marka hore hagaajiyaa, laakiin Gaas isagaa isku diraya oo kala qaybinaya Gurigiisa.

Daawo sawirada

1034

1035

1036

1037

1038

1039

1040

1041

1042

1043

1044

1045

1046

1047

1048

1049

1050

1051

1052

1053

1054

1055

1056

1057
Puntlandes.com

About The Author