Wasaaradaha Qorsheynta iyo Maaliyadda oo amar adag kusoo ragay Hantiilayaasha guryaha iyo gaadiidka Puntland

Garowe(PES) Qoraal kasoo baxay wasaradda Qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee dowladda Puntland ayaa waxaa lagu amray hantiilayaasha gaadiidka iyo guryaha ay degan yihiin Hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah inay bixiyaan canshuurta ku waajibtay haddii kalena aan wax heshiis ah loo cusboonaysiin doonin.

Waxaa si wadajir ah qoraalkan usoo saaray wasaradda Qorsheynta iyo wasaradda Maaliyadda waxayna ku socotaaa hantiilayaasha guryaha iyo gaadiidka ka kiraysa Hay’addaha caalamiga ah iyo kuwa gudaha ka shaqeeya waxana qoraalka oo nuqul ka mid ah soo gaaray Puntland Post lagu yiri sida tan.

”Waxaa lagu war gelinayaa Dhamaan Mulkiilayaasha Guryaha iyo Gawaadhi u kiraysan Hay’addaha Caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee Puntland in laga bilaaba kowda bisha 12-aad ee sanadkan aan wax contract ama heshiis ah loo cusboonayndoonin guryaha iyo Gawaarida u kiraysan Hay’addaha sidoo kale aan wax heshiis ah oo cusubna aan cidna lalagelidoonin, ilaa qofka hantiilaha ahi uu soo bixiyo canshurta ku waajibtay lacagta kirada ah (Income tax) ee lagu leeyahay Gaadhigiisa iyo Gurigiisa soona qaato dukumeentiga cadaynaya in uu yahay canshuur bixiye isla markaana uu ogolaado in uu saxiixo warqadda u hogaansanka canshuuraha (Compliance Certificate)”.

Arrintan ayaa waxay dhalisay qaar ka mid gaadiidka Puntland inay walaac ka muujiyaan iyagoo sheeay in horay loogu kordhiyay canshuurtii laga qaadi jiray, guddiga gaadiidlayda yar yar ee Puntland ayaa kulan ay galinkii danbe ee maanta isagu yimaadeen Garowe waxay ku muujiyeen inaysan awoodi karin go’aamadda dowladda kasoo baxay.

Dowladda uu hoggaamiyo Cabdiwali Maxamed Cali ayaa dhowaan bilowday qaadista canshuurta bariga iyo tan hay’addaha caalamiga ah, xili ay isi soo tarayaan qayladda ay ciidanka amniga ka muujinayaan helitaanka mushaharoodkooda oo ka maqan mudo afar bilood ah

Xagee ayey ku bixisaa lacagta faraha badan oo ay qaado Xukuumada Dr Gaas?

Puntlandes.com

About The Author