WAR ILAYN FAROOLE SOOW MARNA ISLAMA YAABO OO ISMA DHAGAYSTO!!!!

10 Jan 2018 (Puntlandes) Maahmaah Soomaaliyeed ayaa waxay tiraahdaa “HABAJECLOOY MUUSAE WAA KAAS” maah maah kale oo Carbiyana ayaa iyana waxay tiraahdaa “Maxamed Cali maa Yakhali Meheratu” oo macneheedu yahay “Nina hawshiisa kama tanasulo”, marka Faroole shaqadiisii ayuu haystaa, waana u caado inuu madaxweyne iyo dawlada hawsheeda wadata Caayo asagoo 90jir ah.

21

Waxaa la yiri waa baa Doqon waxa la raacshay Ari Makhribkii markay ahayd oo Arigu soo dhawaan lahaa ayuu asagii oo kaligiis socda reerkii u yimid, markaasuu intuusan salaamin kusoo tanaagooday “war maxaad u far fadhidaan ma Arigii baad hesheen?” taasi waxay ka dhigan tahay Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo reer Puntland ay u xilsaarteen Aqalka Sare oo hawshaas ay ku halaynayeen asaga soow uma eka Faroole Doqonkii Ariga la raacshay.

Madaxweyne Faroole intii Puntland jirtay wuxuu waday hadal iyo Ficil aan macne lahayn, isagoo xataa gaaray inuu weeraro Baarlamaanka Puntland markaasna ahaa wasiir.

Puntland masoo marin maamul uusan Faroole isku dayin inuu dhibaaateeyo iyo madaxweyne uusan caayin, waxaana mar walba looga badbaadayey dadka reer Puntland oo bartay macne la’aanta Faroole, waxaana waligiis dhaqan u ahayd sokeeye caynimo iyo hagardaamada dadkiisa.

Tuduc yar baa waxay leedahay:

  • Doqontuba ninkii dad u xigga bay daa’im ximisaaye
  • Labeebshahana tii Dihatay baa dani u gaysaaye

Waxaa reer Puntland kaga badbaadeen Faroole XUMAANTIISA, barshada ay u leeyihiin inuu xagga da’da oday ka yahay laakiin xagga Xigmada uu EBER ka yahay ama odayguba yahay xagga Maskaxda ka cantatabay.

Dhacdooyinkii taariikheed ee Faroole

  1. Dawladdii AUN Maxamed Siyaad Barre ay Faroole cayrisay oo shaqadana ka joojisay maamul-xumo iyo af-xumo datrteed
  2. Xiligiii AUN Madaxweynihii u horeeyey ee Puntland Cabdulaahi Yusuf Axmed, Caasimadda Garowe dhexdeeda ayuu Isbaaro har cad dhigtay.
  3. Xiligiii AUN Gen Boqor Madaxweyne Cadde Muuse Boqor inuu Faroole har cad Baarlamaanka Puntland ku weeraray Mooryaan uusoo aruursaday.
  4. Faroole markuu xukunka Puntland nasiibka u helay inuu qabto waxaa lagu xasuustaa markuu soo hor istaago mikofoonka inuu ku hadlo af-lagaado uu  hawada u mariyo iska shacabka Puntland wintiisa badane guud maamulada deriska ah iyo xataa Dawladihii kumeelgaarka ahaa. Aflagaadooyinkaas oo dhaxalsiiyey in maanta isagoo ku fadhiya jago Senator Soomaaliyeed uu sas iyo argagax ka qaado tagitaanka Muqdisho.

Markasta oo uu hadlana waxa bulshada reer Puntland u halhays ah “Ma kiibaa, war la iskuma sheego warkiisa”

20

Waxaa haboonayd haddii loo heli karo in la geeyo odayga meelaha dadka asaasaqay lagu xanaaneeyo (ISMA OGE ISLAAN BI’I)

NINKII DOONAYA BARASHADA FAROOLE HA ARKO AARAN DOOFAAR, war ileen Geed walbaaba mirihiisu dhalaa.

Soomaaliyeed Faroole waa kaas sidaas u dhaqmaya isagoo 90 jir ah.

8dii bishan ayaa Tukaraq oo Gobolka Sool ka tirsan waxa weerar ku qabsay Ciidamada Somailand, 9kii bishan Madaxweynaha Puntland Dr Gaas wuxuu qabtay shir jaraa’id wuxuuna shacabka reer Puntland ugu yeeray dal iyo dibadba inay difaaca dalka ka qayb qaataan taasoo ahayd waajib madaxweynaha saran inuu la wadaago shacabka wixii dalka kusoo kordha.

10kii bishan Faroole wuxuu qabtay shir jaraa’id oo ku cambaaraynayo hadalkii madaxweynaha ee in dalka la difaaco wuxuuna si gaar ah uga codsaday Isimada iyo waxgaradka gobolka Nugaal inaysan difaaca Puntland ka qayb qadaay iyadoo Somaliland ay sheegayso inay Garowe qabsanayso, taasoo wax lala yaabo, laakiin “kolay waa kii” oo hadal Faroole, oo gurgo noqodka ah wax cusub kuma shacabka reer Puntland.

Daawo Heestii “kii Dhuumanayee Dhabarku muuqdee…..Waa Dharaar lagu dhawrayaaye dadkaaga dhinac ka raac yaanad dhubine dhinac ka raac”


Dr Yasiin Jaamac Faarax (Dr Balbalaarshe)

Puntlandes.com

About The Author