Sawirro: Madaxweyne Farmaajo oo ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliyeed kaalinta ay ku leeyihiin horumarka dalka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari ayaa kulamo gaar gaar ah la yeeshay hoggaanka dhaqanka iyo Ganacsatada Gobolka.

Madaxweynaha ayaa kala hadlay ganacsatada kaalinta ay ku leeyihiin horumarka dalka, caqabadaha ku xeeran ganacsiga iyo qorsheyaasha ku aaddan qaabeynta iyo horumarinta fursadaha ganacsi ee dalka.

Hormuudka ganacsatada ee uu la kulmay Madaxweynuhu ayaa soo bandhigay sida ay uga go’antahay in ay kaalin mug leh ka qaataan qorsheyaasha lagu hormarinayo dalka, iyagoona xaqiijiyey in ay markasta garab taaganyihiin dowladdooda si looga gudbo waqtiyadii muragada badnaa ee soomaray shacabka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku bogaadiyey ganacsatada Soomaaliya kaalinta qiimaha badan ee ay ka qaateen samata bixinta dalka muddadii bur burka, waxa uuna ugu baaqay in ay sii laba laabaan dadaalkooda si loo xaqiijiyo hiigsiga ku saleysan Soomaaliya nabad ah, dadkeeduna nolol wanaagsan ay heystaan.

Intaas kaddib, Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlad Gobolleedka Puntland Mudane Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xarigga ka jaray dhismaha xafiisyada Shirkadda isgaarsiinta Golis oo ah dhismaha ugu dheer ee laga hirgeliyey magaalada Boosaaso. Sidoo kale waxa uu daah furay adeegga Internetka ee xawaarehiisu sarreeyo (Fiber Optic) oo markii ugu horreysay laga hirgelinayo deegannada Puntland.

“Farxad weyn ayey ii tahay in aan idin kala soo qeyb galo maalgashigan aad ku sameyseen dalkeenna. Waxaa xaqiiqo ah in adeegyadan iyo horumarkan ay ka tarjumayaan dadaalka iyo hor u socdka ganacsatada Soomaaliyeed” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Dhanka kale, Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo waxa uu kormeeray qaybo ka mid ah suuqyada magaalada Boosaaso iyo goobaha loo nasasho tago isagoona ka soo dukaameystay goob ganacsi oo ku taalla bartamaha magaalada,

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa inta uu ku suganyahay magaalada Boosaaso waxa uu kulamo wada tasho oo ku saabsan mustaqbalka dalka iyo dib u dhiska Qaranka la qaadanayaa qeybaha kala duwan ee Bulshada Gobolka Bari.

DHAMMAAD

Puntlandes.com

About The Author