Daawo muuqaal Ciidamada Somaliland ee Gobolka Sool oo Beelo u kala baxay

28 Jan 2018 (Puntlandes)  Siyaasi Maxamuud Xaaji Jeeni-yare oo mar guddoomiye Somaliland uga noqday gobolka Sool ayaa markii ugu horraysay qiray warar soo baxay oo tibaaxay in khilaaf xooggan hareeyey ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool.

30

Mudane. Jeeni-yare oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa ku eedeeyay guddoomiyaha Xisbiga UCID ee Somaliland,Faysal Cali Waraabe in uu sabab u yahay khilaaf qabiil ku salaysan oo ka dhex abuurmay ciidamada Somaliland,kadib markii uu caayey beelaha dega gobolada SSC.

Sayaasigan ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool ay fitno ka dhex abuurantay,kadib markii Faysal Cali Waraabe uu si xun u caayey beelaha dega SSC. Siyaasi Jeeni-yare ayaa ku baaqay in umadda laga qabto Faysal Waraabe oo ku tilmaamay qof waalan.

Hadalka Jeeni-yare ayaa ku soo beegmay xilli ay soo baxayan warar sheegaya in khilaaf xooggan ka dhex jiro ciidamada Somaliland ee ku sugan gobolka Sool,islamarkaana ay qeybsanyihiin.

daawo muuqaalka


Puntlandes.com

About The Author