Sawirro: Wafdiga Wasiirka Boostada Isgaarsiinta & wasiirudowlaha DFS oo booqday xarunta Wasaaradda warfaafinta Puntland booqday

28 Jan 2018 (Puntlandes) Wafdiga Wasiirka Boostada Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Dowladda Federalka Soomaaliya Mudane Cabdi Canshuur Xasan iyo wasiirudowlaha isla wasaaraddaas Mudane Bile oo booqasho shaqo ku jooga caasimadda Puntland ee Garowe ayaa  booqday xarunta Wasaaradda warfaafinta dawladda Puntland.

Wafdiga ayaa waxaa Wasaaradda kusoo dhaweeyay Wasiirka Wasaaradda Mudane Cabdi Xirsi Cali (Qarjab), Wasiiru- dowlaha Wasaaradda C/fitaax Nuur Ashkir, Wasiir kuxigeenka C/risaaq Cumar Ismaaciil (Shiikh Aduun) Agaasimaha guud iyo dhammaan shaqaalaha Wasaaradda.

Wasiirka iyo Waftigiisa ayaa booqday qaybaha ay ka kooban tahay wasaaradda warfaafinta dawladda Puntland.

Daawo sawirrada

30a1

30a2

30a3

30a4

30a5

31

31a
Puntlandes.com

About The Author