Sawirro: Wasiirka Arrimaha Gudaha XFS oo shir looga hadlayo xasilinta dalka ka furay Muqdisho

29 Jan 2018 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Gudaha DFS Mudane Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta magaalada Muqdisho ka furay shir looga hadlayo Xasilinta dalka.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya madax ka kala socoto Dowladd Goboleedyada dalka,xubno ka socda Gobolka Banaadir iyo Beesha caalamka,waxaana mudada halka maalin ah ee uu shirka socdi diirada lagu saarayaa sida ugu haboon ee loo wajahi karo xasilinta guud ahaan dalka Soomaaliya.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Cabdi Maxamed Sabriye oo furay shirka ayaa ka soo qeyb galayaasha kula dardaarmay iney ka aragti dhiibtaan sida ugu haboon ee lagu xasilin karo dalka iyo muhiimadda ay leedahay xasilinta.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Dowlad Goboleedyada dalka kala shaqeyneyso xaqiijinta amaanka deegaanadooda iyo in hal meel looga soo wada jeesto falalka lidka ku ah amaanka dalka.

32

32a

Puntlandes.com

About The Author