Xiisad colaadeed oo ka taagan Kismayo

31 Jan 2018 (Puntlandes) Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Jubbaland ayaa waxaa ka taagan maanta xiisad sababi karta dagaal.

1v

Xiisadaan ayaa waxa ay u dhaxeeysa Ciidamada Jubbaland iyo ciidamo qaab beeleed u abaabulan oo daacad u ah Xildhibaan Axmed Taajir oo uu Axmed Madoobe amray in kalsoonida xubinimada Baarlamaanka Jubaland lagala noqday.

Ciidamada ayaa isku Horfadhiya Gudaha Magaalada Kismaayo waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas teel teel ah oo labada dhinac ay isku ridayaan.

Dhanka kale Ciidamo aad u farabadan oo katirsan kuwa Jubbaland ayaa lagu daadiyay Wadooyinka iyo xaafadaha Magaalada Kismaayo.

Waxaa wali xabsiga Kismaayo ku xiran Xildhibaan Axmed Taajir oo xalay ay xireen ciidamada Nabadsugida Jubbaland.

Waxaa laga cabsi qabaa in dagaal uu ku dhex qarxo Ciidamada Jubbaland iyo Ciidamadaasi hubeeysan ee ka soo horjeedo Xariga Xildhibaan Axmed Taajir.

Puntlandes.com

About The Author