Sawirro: Hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Dawladda Puntland oo qaadday Imtixaanka agaasimeyaal cusub

07 Feb 2018 (Puntlandes) Hay’adda shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaa maanta qaaday Imtixaan ay u fariisteen 44 qof oo isugu jira Rag iyo Dumar isla markaana loogu tartamayey siddeed boos ama jago oo ka bannaan qaybo mid ah Wasaaradaha iyo Hay’adaha ka faa’iidaysanaya Mashruuca tayaynta hay’adaha dawladda ee Baanka adduunku uu ka caawinayo dawladda Puntland.

Jagooyinka cusub ee ka bannaan hay’adaha ka faa’iideysanaya mashruuca ayaa dhammaantood waxaa loo qaadanayaa agaasime waaxeeddo kuwaas oo qorshohoodu yahay dardar gelinta shaqa, waxaana kamid ah xarumaha ay ka hawl-geli doonaan shaqaalahaani Wasaaradda Shaqada, Wasaaradda Beeraha, Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Bangiga Dawladda.

Imtixaanka ayaa waxaa lagu qabtay Xarunta Library-ga iyadoona loosoo diyaariyey hab casri ah  taas oo la isticmaalayey Kumbutuuterro si  loo ilaaliyo bed-qabka iyo xaqiijinta hufnaanta imtixaanka isla markaana loo ilaaliyo kalsoonida tartameyaasha iyo guud ahaan shacabka Puntland waxaana goob joog ka ahaa masuuliyiin metelayey dhammaan xarumaha shaqaalaha loo qaadanayo.

Ka qayb galeyaashii imtixaanka ayaa muujiyey inay si wanaagsan ugu qanacsanyihiin habka loosoo diyaariyey imtixaanka iyo habka casriga ah ee loo qaaday  taas oo beryihii hore ay ka muujin jireen tuhun ama mad-madow.
               

Puntlandes.com

About The Author