Dhagayso: Hal sano ayaa ka soo wareegatay doorashadii Madaxweyne Farmaajo, maxaa u qabsoomay?

08 Feb 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa saanad ka hor maanta, 8-February 2017, oo kale loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya.

34e9a

Sanad kadib waxaa u qabsoomay Madaxweyne Farmaajo mudadii uu xilka hayay in dalka dib loogu soo celiyo Soomaali badan oo ku xirnaa dalalka dibedda, bixinta mushahaarad shaqaalaha dowladda iyo ciidamada. Hufnaanta maamulka maamulka maaliyadeed, safaro dhaadheer oo dhanka dhulka uu madaxweynuhu kusoo kala bixiyey gobalada dalka iyo arrimo kale.

Dhinaca kale waxaa isla sanadkaas jiray caqabado badan oo soo wajahay Dowladda kuwaas oo ay ka mid yihiin qaraxii weynaa ee ka dhacay isgoyska Zoobe, dil loo geystay wasiir ka tirsanaa xukuumadda, qalal siyaasadeed oo ka dhashay mowqifkii dowladda arrimaha khaliijka oo sababay khilaaf saiyaasadeed oo soo kale dhexgalay dowladda iyo maamul goboleedyada qaar, dareen shacab oo ka dhashay go’aankii dowladda ee itoobiya ugu dhiibtay sargaalkii ka tirsanaa ONLF ee C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi dhagax), weerarkii guriga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur iyo Xarig lagula kacay, weerarkii guriga Senator Cabdi Qeybdiid.

Dhagayso warbixin ay VOA ka diyaarisay


Puntlandes.com

About The Author