Akhriso Madaxweynaha Puntland oo shir ku casuumay Madaxda dowlad goboleedyada

10 Feb 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha dowladda Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ku casuumay Golaha Iskaashiga dowladdaha xubnaha ka ah Faderaalka Soomaliya inay kasoo qayb galaan shir ka dhici doona Caasimadda Puntland ee Garowe 20ka bisha Maarso ee soo socoto.

IMG_8015 (1)

Qoraal ah casuumaada shirka kana soo baxay xafiiska Madaxweynaha dawladda Puntland Dr Gaas oo ay heshay Warbaahinta Puntlandes.com ayaa loo kala diray Madaxweynayaasha Maamul goboleedyada Jubbaland, Galmudug, Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo ah Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa shirka labaad ee ay isugu imaanayaan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ku sheegay qoraalkiisa in looga hadli doono arrimo quseeya danaha dowlad goboleedyada iyo guud ahaan kuwa dalka kaga aadan Golaha.

Shirkii u horeeyay ee lagu dhisay Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa ka dhacay bishii October ee sanadkii 2017 magaalada Kismaayo.

Hoose ka akhriso qoraalka casuumadda oo uu madaxweyne Dr Gaas u diray madaxda dawlad Goboleedyada

56

Puntlandes.com

About The Author