Wasiirka arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo New York kula kulmay diblomaasiyiin

09 Feb 2018 (Puntlandes) Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa  magaalada New York ee dalka Mareykanka kula  kulamay u qaabilsanayaasha Qaramada Midoobay wadamada Chine,  Russia & Kuwait  oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa xiriirada iskaashi  ee ka dhexeeya Soomaaliyada iyo wadamadooda.

49a

Kulamadan oo si gaar-gaar ah ula qaatay Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Mudane Axmed Ciise Cawad  wakiilada Qaramada Midoobay u joogo New York sida  Chine H.E. Amb. MA Zhaoxu, Rusia H.E. Amb. Vasily Nebenzya iyo safiirka dowladda Kuweit H.E. Mansour Al-Otaibi ayaa waxa uu kala hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka kala dhexeeyo Soomaaliya, kulamada wasiirka waxaa sidoo kale ku wehliya u qaabilsanah QM ee Soomaaliya Amb, Abukar Osman (Baale).

Soomaaliya ayaa dadaal xoogan ugu jirto sidii loo soo celin lahaa xiriirkii kala dhexeeyay ka hor but-burkii dowladnimada, waxaana Madaxweyne Farmaajo wax-yaabaha uu ballan qaaday kamid ahaa in uu dhisi doono xiriir ku dhisan ixtiraam &  iskaashi.

Puntlandes.com

About The Author