MAQAAL: GALAYDH OO YEESHAY DHAQANKII DHURWAAGA

60a

Habar Dugaag waxaa ugu caqli yar,ugu duqonsan, uguna hunguri liita waa DHURWAAGA ama Warabaha.

Dadka afka Waraabaha yaqaan ama Dhulwaaya lahadalka loo yaqaan, waxay sheegeen,  haddii waraabe dool ah u yimaado dhurwaayo raq dul fadhiya oo neef u dilan yahay, haddii aysan aqoon ama uusan ka mid ahayn waa u diidaan inuu hilibka la cunno, laakiin haddii midka ugu da’da weyn “ iska daaya yiraahdo” waa layska daayaa oo raqduu dhanac ka gala oo wax ka cunaa, taasi waa dhaqanka dhurwaaga.

60a2

Waxaa laga soo wariyey dadka Waraabe la hadalka ah,” Dhulwaa baa soo ashtakooday, asagoo leh “ waa lay caayayaa, yurtaa laygu hayaa, anna waa toobad keenay oo sidii hore ma ihi, xoolo xaarana ma cunin ardhawaale, waxaan doonayaa in magaca layga badalo oo madaxda beeshana laygu daro.”

60a1
Waxaa layiri “ kuma aamini karnee, adigoo dadka xoolaha ka cunna baan ku ogeyne,waxaan kugu tijaabinaynaa WANKAAN yar oo hadda dhashay oo dhaylada ah (KHAATUMO) ee orodoo ilaali, hana cunin.” Markuu muddo hadba dhinac u eryoonahayey, oo dusha ka ilaashanahayey, ayuu maalintii danbe dabka  saartay oo cunnay, DAM, DAM. Wankii { KHATUMO} ku daa, dhurwaagiina dooxada qabowga badan ee MINNISOTA ayuu kasoo ciyayaa. Dadka afyaqaan dhurwaagu waxay leeyihiin “ Wuxuu caay iyo aflagaado u dhaandhaaminayaa kuwii wanka ku aaminay, kuwii raqda inuu la cunno bari hore u diiday iyo kuwo uu ka filaayey inuu hilibka la cunno, haddii wax dayacan la helo oo uu raja ka qabay.”

Halkay baladu naga raacday baan raadiyoo helaye, “ Rajo malaha duulkii dhulwaa reer ku aamina-e

60

Mahamud J.Farah

mahamudjfarah@gmail.com

Fort Mac – AB.

Daabacaadii Puntlandes.com

About The Author