Wasiirka Maaliyada Bayle oo ugu baaqay ganacsatada Muqdisho inay canshuurta bixiyaan

13 Feb 2018 (Puntlandes) Wasiirka Maaliyada DFS mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa ugu baaqay ganacsatada Soomaaliyeed inay bixiyaan lacagaha canshuurta ku waajibtay.

70

Wasiir Bayle oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa beeniyay in dekeda magaalada Muqdisho ay xiran tahay balse waxa uu sheegay in howlaha dekeda si caadi ah u socoto.

“Ma jiro wax canshuur ah oo aan ku kordhinay ganacsatada hase yeeshee   waxaan farnay inay bixiyaan saddex kamid ah toban canshuur oo ku waajibtay ganacsatada.”ayuu yiri wasiir Bayle.

Wasiirka ayaa ka hadlay kulamo uu la yeeshay ganacsato Soomaaliyeed oo ku sugan wadanka Isutagga Imaaraadka Carabta isagoo xusay in uu kala hadlay arrimaha canshuuraha.

Qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho ayaa dhowaan waxa ay sheegeen in ay u xiran tahay dekeda magaalada Muqdisho canshuuraha oo lagu kordhiyay awgeed.

Puntlandes.com

About The Author