Daawo Video: Guddoomiye Cirro ”Shirkadda Somaliland Investment waa Tuugo sharciyeysan” (Warbixin)

12 Feb 2018 (Puntlandes) Gudoomiyaha Xisbiga WADANI mudane Cabdiraxmaan Cirr oo maanta shir jaraa’id oo uu maanta kaga hadlay Shirkadda Somaliland Investment oo ay leeyihiin xubno ka tirsan dawladda Muuse Biixi ayaa si adag u cambaareeyey Shirkadaas.

67

Gudoomiye Cirro ayaa yiri “Shirkaddaas soo if-baxeeda waxaanu u aragnaa fadeexad, musuqmaasuq iyo fool-xumo soo ifbaxday. Waana arrin ka soo horjeeda qawaaniinta iyo sharciga Somaliland”

Cirro ayaa kusii daray isagoo ka hadlaya Shirkadda “Waxa aanu u aragnaa weel, haan ama dhiil la doonayo in lagu lunsado dhaqaalahii yaraa ee laga ururiyey umadda ay abaarahu saameeyeen, waxa aanu u aragnaa weel tuuganimo oo la doonayo in lagu lunsado hantida umadda.

Ibraahim Gadhle wuxu yidhi.

Tuugu waa is qariyaa
Halka uu ka xado tulud
Tahan buu ka guuraa
Todobaadkan se xaajoow
Mid tiriig sitaa yimi”

Cirro ayaa iswaydiiyey in Wasiirka Arimaha Dibadda Sacad iyo Safiir Baashe Ictiraafkay ku keeni waayeen dawladnimada ma shirkad ay lee yihiin bay ku keenayaan?

Mudane Cirro ayaa sheegay inay yaab tahay in shirkaddaasi ay hoos tagto wasiirkii hore ee Maaliyadda, aysan ku jirín xilkii uu wareejiyey Wasiirkii hore ee wasaaradaasi. Marka wasiirka cusub ee Maaliyadda miyaan lagu wada wareejin xilkii loo igmaday mise qaar baa lagala haray ayuu is waydiiyey Gudoomiye Cirro.

 

Puntlandes.com

About The Author