Faahfaahin Qaraxyo & Is rasaaseyn ka socota Muqdisho

23 Feb 2018 (Puntlandes) Wararkii ugu dambeeyay ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in is rasaaseyn ay weli ka socoto agagaarka madaxtooyada, gaar ahaan  iyadoo ciidamada dowlada iyo rag hubeysan ay rasaas is weydaarsanayaan.

43

Rag hubeysan oo ka degey dhowr baabuur ayaa la sheegay in ay ku jiraan agagaarka hotel Siyad iyo Hotel SYL waxaana halkaa ku go’odoomiyay ciidamada amniga sida ay sheegayaan wararku dhow dhow madaxtooyada.

Gaadiid ay wateen ragga hubeysan ayaa xoog uga gudbay koontarool ku yaala Isgooska Sayidka, waxaana rasaas xoogan ku furay ciidamada ilaalada Madaxtooyada oo ku sugnaa koontaroolka laga galo Villa Somalia.

Wararka ayaa waxaa ay intaa ku darayaan in gaadiidka ay wateen raggan laga cabsanayo in ay saaran yihiin waxyaalaha qarxa waxaana uu dagaalku socdaa iyadoo mugdi uu jiro.

Is rasaaseynta ayaa ka socota dhabarka dambe ee Hotel Sayid iyo agagaarka Taalada Dhagaxtuur, halkaasoo ay saldhig ku leeyihiin Ciidanka NISA.

Sidoo kale waxaa goor sii horeysay uu qarax ka dhacay meel baabuurta la dhigto oo ku dhow Hotelka Doorbin ee ku dhow KM-0 ama Taliska Hey’adda Nabadsugida Qaranka ee Gurigii Maamo Khadiijo.

Xaalada magaalada Muqdisho ayaa kacsan, waxaana qaraxyadan ay ku soo beegmeen, xilli shalay Wasiirka Amniga uu digniin ka soo saaray gaadiid qaraxyo ku jiraan.

Puntlandes.com

About The Author