Madaxweynaha Somaliland oo xilal u magacaabay mas’uuliyiin u badan Beeshiisa

22 Feb 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta wareegto ku magacaabay sagaal masuul oo badan Beesha uu kasoo jeedo ee SACAD MUUSE. isagoo horay u magaacaby mas’uuliyiin badan oo ay isku beel yihiin.

42

Madaxweynaha ayaa masuuliyiinta uu magacaabay ay kala yihiin sidatan:
1. Cismaan Sheekh Cabdi Sheekh Maxamed Kaahin Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka

2. Mustafe Faarax Cali Aadan Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Waddooyinka (SACAD MUUSE)

3. Muuse Xasan Xaaji Yuusuf Guddoomiyaha Hay’adda Dhawrista Tayada

4. Khadra Xaaji Ismaaciil Yoonis (Khadra Xaaji Gaydh) Guddoomiye Ku-xigeenka Hay’adda Dhawrista Tayada (SACAD MUUSE)

5. Maxamed Cali Bille Guuleed Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada (SACAD MUUSE)

6. Axmed Xasan Cigaal Sahal Safiirka Somaliland u Fadhiya Itoobiya

7. Maxamed Warsame Ducaale Ergayga Gaarka ah ee u Qaabilsan Somaliland Qaramada Midoobay

8. Maxamed Cabdikariin Cumar Ismaaciil (Maarshaal) Safiir Ku-xigeenka Somaliland u Fadhiya Itoobiya (SACAD MUUSE)

9. Ayaanle Salaad Diiriye Safiir Ku-xigeenka Somaliland u Fadhiya Dalka Kiiniya

Puntlandes.com

About The Author