Ra’iisul Wasaare Khayre oo maalinta berri u ambabaxaya Imaaraadka Carabta

24 Feb 2018 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maalinta berri oo Axad ah lagu wadaa inuu u ambabaxo dalka isu tagga Imaaraadka Carabta, kaddib casumaad rasmi ah oo uu ka helay Mas’uuliyiinta dawladda Imaaraadka Carabta.

45

Booqashada Ra’iisul Wasaare Khayre ee Imaaraadka Carabta ayaa ku timid ka qeyb galkiisa shirkii Davos ee Switzerland bishii hore oo ay isku arkeen Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka Carabta.

Safarka Khayre ee Imaaraadka Carabta ayaa labo jeer dib uga dhacay arrimo farsamo iyo culeysyo kale oo soo wajahay, waxaana la filayaa in magaalada Abu Dhabi kula kulmo Mas’uuliyiinta Imaaraadka Carabta.

Puntlandes.com

About The Author