Tirada dadkii ku dhintay qaraxyo iyo weeraro ka dhacay Muqdisho oo korortay

24 Feb 2018 (Puntlandes) Qaraxyadii iyo weerarkii ay Kooxda Al-Shabaab ka dambaysay ee shalay ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa ku geeriyootay 29 ruux. 

43

Meydadka illaa 27 ruux ayaa la geeyay Isbitaalka Madiina, halkaasoo markii dambe labo ruux oo dhaawac ay ku geeriyootay, dadka ku dhintay qaraxyada ayaa waxay isugu jireen askar iyo dad rayid ah iyo kooxdii weerarka geystay.

Madaxa Caafimaadka Isbitaalka Dr. C/qaadir Xuseen Maxamed ayaa sheegay in 29 ruux ay ku dhinteen, kuwaasoo labo ka mid ah intii xaaladooda caafimaad lala tacaalayay ay dhinteen.

Carruur da’dooda ka hooseysay 10 sano jir ayaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay qaraxa ka dhacay Isgoyska KM-0 ee nawaaxiga Ex Baar Fiat.

Qaraxa ugu dhimashada iyo dhaawaca badnaa ayaa ahaa kii ka dhacay agagaarka Isgoyska KM-0 oo ku dhow xarun Taliska Nabadsugida leeyihiin.

Qaraxyada shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ahaa kii ugu khasaaraha badnaa, tan iyo qaraxyadii gil gilay magaalada Muqdisho bishii October.

Puntlandes.com

About The Author