Magaalada Kismaayo & magaalada Antalya ee dalka Turkiga oo la mataaneynayo

27Feb 2018(Puntlandes) Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhoweeyay mashaariic Turkiga ka fulinayo deegaanada Jubbaland iyo Barnaamijka mataanaynta Magaalooyinka Kismaayo iyo Antalya oo ah Magaalo ku taala wadanka Turkiga, isla markana meelo badan ay labada Magaalo iska shabahaan.

Wafdi ka socday dowladda Turkiga oo socdaal ku joogay Kismaayo ayaa safarkooda soo gaba gabeeyay, waxaana wafdigan hoggaaminayay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya Amb. Olgen Bekar, Xoghayaha Dowladaha Hoose ee Turkiga iyo Mas’uuliyiin kale

55

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in dhamaan waxyaabahii laga wada hadlay ay miro dhal noqdeen, isla markaana mar dhow ficil loo badali doono.

Waxaa uu amaanay mataanaynta Antalya iyo Kismaayo oo uu xusay in ay tahay qorshe weyn oo ay tahay in mudnaan gaar ah la siiyo.

Sidoo kale Madaxweynahu wuxuu sheegay in wafdigan ay dhawaan tagi doonan meelo kale oo Jubbaland ka mid ah oo mashaariic laga fulinayo isagoo amaanay sida Dowlada Turkiga ay uga go’an tahay in tageeradeeda ay gaar siiso dhamaan wadanka.

Safiirka Turkiga Olgan Bekar ayaa dhankiisa ka mahad celiyay soo dhawayntii qiimaha lahayd ee lasoo sameeyay isagoo hoosta ka xariiqay in dhamaan waxyaabahii la isku afgartay ay sida ugu dhow u fulin doonan gaar ahaan adeegyada hormarinta oo ay ugu weynatahay mataanaynta Magaalada Kismaayo iyo Magaalada Antalya.

Puntlandes.com

About The Author