Sawirro: Taliyaha Ciidanka Asluubta oo booqday Warshadda Farsamada ee Xabsiga dhexe

27 Feb 2018 (Puntlandes)Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa maanta kormeeray Warshadda Farsamadda Gacanta ay ku bartaan Maxaabiista Xabsiga dhexe ee Xamar iyo Warshadda Wax-soo saarka Ciidanka Asluubta, halkaasi oo uu soo indha indheeyey sida ay u socoto shaqada.

Taliyaha oo ay wehliyeen ku xiggeenadiisa iyo Saraakiil kale, ayaa mid mid u booqday qeybaha ay ka kooban yihiin Warshadahaasi, waxaana uu xog wareystay Madaxda , Maxaabiista farsamada gacanta barata iyo Ciidanka ka shaqeynaya Warshadda.

Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, ayaa sheegay in shaqada Warshadda si dardar leh ay ku socon doonto, isla markaana la ballaarin doono, isaggoo tilmaamay in Warshado kale lagu soo kordhin doono xabsiga dhexe ee Xamar.

Daawo sawirrada
56

56a

56a1

56a1a

56a2

56a3

56a4

56a5

56a6
Puntlandes.com

About The Author