Maamuladii Galmudug & Ahlusuna oo la isku dhafayo

28 Feb 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa shalay gaaray magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug, iyadoo halkaas si weyn loogu soo dhoweeyay.

58

Madaxweyne Xaaf ayaa waxaa ku soo dhoweeyay Dhuusamareeb Madaxa Xukuumadda Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan iyo xubno ka tirsan Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Ujeedada socdaalka Madaxweyne Xaaf ayaa ah sidii uu u dardar gelin lahaa barnaamijka isku dhafka Maamulada Galmudug iyo Ahlusuna, iyadoo la guda geli doono in isku daro Labada Baarlamaan, ciidamada labada dhinac la mideynayo iyo howlo kale.

Ahlusuna iyo Galmudug ayaa horay ugu heshiiyay inay ku midoobaan hal maamul, iyadoo la soo afjaray khilaafkii siyaasadeed ee labada dhinac u dhaxeeyay.

Puntlandes.com

About The Author