Dhagayso: Wasiirka Maaliyada DFS oo shegay inay Dakhliga dawladda saamayn ku yeelatay muranka Canshuurta

28 Feb 2018 (Puntlandes)  Wasiirka Wasaarada Maaliyada Xukuumada Federaalka Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in saameeyn ay ku yeelatay Dakhliga Dowlada amuranka canshuurta ee u dhaxeeya Ganacsatada iyo dawladda.

70

Wasiir Beyle ayaa sheegay in wasaaradu ay hadda u wajaheeyso qaabab kala duwan xalinta cabashooyinka ganacsatada isaga oo sheegay in ay kulamo iyo wada hadalo ay la qaadanayaan.

Wasiir Beyle ayaa qiray in xoogaa hoos u dhac ah oo daqliga dowlada ah laga dareemayo Bishaan sii dhamaaneeysa ee Febuary.

Wali wax xal ah lagama gaarin cabashada ganacsatada ee ku aadan canshuur kordhin ay ku sameeysay wasaarada maaliyada.

Dhagayso wasiirka


Puntlandes.com

About The Author