Garaad Jamac oo shir Beesha Bahrarsame ka furay Deegaanka Xidhxidh (Video)

03 Marso 2018 (Puntlandes) Maanta ayaa Deegaanka Xidhxidh Ee Gobolka Sool waxa ka Furmay Shir loogu Magac Daray Shirka Nabada iyo Horumarka Beesha Bahrarsame, kaasoo ay soo qaybgaleen Shaqsiyaad kala duwan oo isla Beeshaasi ah isagana kala yimid Somailand iyo Puntland.

66

Shirka ayaa waxaa Furay Garaadka Guud ee Beelaha Dhulbahante Garaad Jaamac Garaad Cali.

Garaad Jaamac ayaa wada labo qorshe in shirkan looga hadlo in beesha bahrarsame talo iyo taageeraba ay  lamid ahaato Dhulbahante kana hadho qorshaha guracan ee wado Cali khaliif Galayr ee kubiiritaanka Soomaliland iyo in beesha Bahrarsame ay isu diyaariso Ururinta xoolihii lagu soo xukumay  Heshiiskii Belaha walaalaha ah ee Cumar maamuud iyo Bahrrasame.

Cali khaliif Galayr oo shirka goobjoog ku ah khilaafna uu kala dhaxyyo Garaadka ayaa isna dadaal xoogan ugu jira in shirku taageero ku biirista Somaliland, waxaana waraarku sheegayaan inuu wata qeybo kamid ah beesha bahrarsame.

Daawo muuqaal Fasal cali waraabe oo cadeeyey sababtay uu u tagay shirka Galayr iyo Galayr oo siyaasadda Beelaha Dhulbahante ku tilmaamay Buuraha Xargaga.


Puntlandes.com

About The Author