Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka oo sheegay in hal waqti uu furmi doono Kalfadhiga 3aad

05 Marso 2018 (Puntlandes) Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaaday in 10-ka bishan uu si rasmi ah u furmi doono kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka oo ka kooban Aqalka Sare iyo Golaha Shacabka.

70

Guddi ka kooban 10 xubnood oo ka tirsan labada Aqal ayaa loo xil saaray diyaarinta munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 3aad ee Labada Aqal, waxaana Guddoomiye u ah Senator C/risaaq Jurile.

Guddiga ayaa kulamo ka leh diyaar garowga munaasabadda furitaanka Kalfadhiga 3aad ee Labada Aqal, kaasoo qorshihiisa yahay inuu ka dhaco Dugsiga Booliska ee Jeneraal Kaahiye.

Waxyaabaha ugu waawayn ee haatan horyaala Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa ka mid ah, Arrimaha doorashooyinka, Dib u eegista Dastuurka dalka, Sharciga Jinsiyadda dalka iyo arrimo kale.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u furo kalfadhiga 3aad ee Baarlamaanka labada Aqal, isagoo ka jeedin doono khudbad furitaanka oo uu kaga hadlayo xaalada dalka.

Puntlandes.com

About The Author