Daawo muuqaal Cali Khaliif Galyr oo lagu eedeeyey inuu Beeshiisa Colaad & Fidno kula dhexjiro

06 Marso 2018 (Puntlandes) Cali Cilmi Warsame (Cali Maraykan) oo ka mid ah siyaasiyiinta Beesha Bahararsame ayaa Cali Khaliif Galayr ku eedeeyey inuu Beeshiisa Colaad & Fidno kula dhexjiro, isagoo ka hadlayey Shirka Beesha uga furmay deegaanka Xidhxidhka oo Cali Khaliif goob joog ka yahay.

Siyaasi Cali Maraykan ayaa sheegay in Cali Khaliif dartii ay Beesha uga dhimatay 180 Nin, walina uu Galayr doonayo inuu dhib kale u gaysto Beesha.

Cali Maraykan ayaa waxa kale oo uu Galayr ku eedeeyey inuu u yimid shirka Xidhxidh inuu carqaladeeyo shirko oo ka weeciye ujeedadii shirka oo ahayd in Beesha nabad kula noolaato Beelaha ay oodwadaagta yihiin, iyadoo uu Galayr markii horeba lahaa abuurka colaada waa sida uu sheegaye.

Daawo muuqaal Cali Khaliif Galyr oo lagu eedeeyey inuu Beeshiisa Colaad & Fidno kula dhexjiro

73

Puntlandes.com

About The Author